597 Views

Maxaabiis ku geeriyootay dab kacay xabsi ku yaalla Indonesia

Maxaabiis ku geeriyootay dab kacay xabsi ku yaalla Indonesia
____________________________________________________________________________

Muqdisho | September 08, 2021:Ugu yaraan 40 maxbuus oo ku jiray xabsi ku yaal dalka Indonesia ayaa dhintay kadib markii dab uu ka kacay meel ay ku xirnaayeen kumanaan maxaabiis ah subixii hore Arbacada maanta ah.

Afhayeen u hadlay wasaaradda caddaaladda Indonesia oo la yiraahdo Rika Aprianti ayaa sheegay in dabku ka billowday qeybta C ee xabsiga Tangerang, oo ku yaalla duleedka caasimadda Jakarta.

Aprianti ayaa sheegay in dabka la damiyay saacado badan kadib.

Ugu yaraan 80 maxbuus ayaa dhaawacmay, kuwaas oo ay ku jiraan siddeed aad u daran, oo loo qaaday isbitaal ku yaal Tangerang.

In ka badan 2,000 oo maxbuus ayaa xirnaa xabsiga Tangerang, iyadoo 122 maxbuus ay ku jireen qeybta uu dabku ka kacay ee C.

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post