333 Views

Warrkii dambeeyay rasaas weli laga maqlayo gudaha Hoteelka Xayaat

Warrkii dambeeyay rasaas weli laga maqlayo gudaha Hoteelka Xayaat
____________________________________________________________________________

Sabti: AUGUST 20, 2022

Waxaa weli la maqlaya rasaas gudaha Hotel Xayaat oo xalay fiidkii rag ka tirsan Al-shabaab weerar ku billawday qaraxyo ku qaadeen.

Rasaasta ayaa waxaa is weedaarsanayaan dagaalameyaasha Al-shabaab ee weerarka qaaday iyo Ciidanka Dowladda.

Waxaa isi soo taraya khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay dagaalka saacadaha ka socda Hoteelka Xayaat. Inta la ogyahay 10 qof ayaa ku geeriyootay, halka tiro intaa ka badan ay ku dhaawacmeen.

Xalay ayaa gudaha hotelka Xayaat waxaa laga soo badbaadiyay caruur, dad shacab ah iyo masuuliyiin kale.

Ilaa iyo hadda lama oga tirada raggii weeraray hotelka Xayaat ee Magaalada Muqdisho.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post