504 Views

Safiirka Soomaaliya ee Itoobiya oo la kulmay safiiro kala duwan

Safiirka Soomaaliya ee Itoobiya oo la kulmay safiiro kala duwan
____________________________________________________________________________


khamiis: January 27, 2022

Safiirka Soomaaliya ee Dalka Itoobiya, Mudane Cabdullaahi Axmed Jaamac Ilka jiir oo xoojinayo taageerada loo raadinayo xubinnimada Golaha Amniga ee Midawga Afrika ayaa maanta la kulmay Safiirada Dalalka Seychelles, Tunisia iyo Safiirada Ururka Jaamacadda Carabta ee Wadamada Afrikaanka ah qaabilsan, Midawga Afrika iyo Ururka Dhaqaalaha Qaramada Midoobay ee Afrika.

Safiirka ayaa la waddaagay dhammaan Safiirada uu la kulmay ahmiyadda ay Soomaaliya u leedahay ka mid noqoshada Golaha Amniga iyo Nabadda iyo inay Soomaaliya ka mid ahayd aas-aasyashii Ururka Midawga Afrika.

Sidoo kale kulamadaan uu maanta Safiirka Soomaaliya la yeeshay Safiiradda Wadamada Afrika ee saldhigoodu yahay magaalada Addis Ababa ayaa u sii gogol xaarayo Shirka caadiga ah ee 40-aad ee Golaha Wasiirada Midawga Afrika ee kadhici doona Xarunta Midawga Afrika ee Addis Ababa, 3-4 Feebaraayo 2022 iyo midka Madaxweyneyaasha.

Safiirka Soomaaliya ee Dalka Itoobiya ayaa dadaal dheeri ah ku bixinayo sidii ay Soomaaliya ugu guuleysan lahayd kursiga Golaha Amniga ee Midawga Afrika markii la gaaro doorashada bisha Febarayo 2022.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post