717 Views

Xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay wakiilka cusub ee Soomaaliya u qaabilsan Carabta

Xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay wakiilka cusub ee Soomaaliya u qaabilsan Carabta
____________________________________________________________________________

Feb:19/2/2021

Xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta mudane Axmed Abul-geyd ayaa waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay wakiilka joogtada ah ee Somaaliya u fadhin doona Jamaacadda Carabta  mudane Ilyaas Sheekh Cumar Abuubakar.

Safiir Ilyaas ayaa u gudbiyay xoghayaha salaan uu ka siday Madaxweynaha dalka Mudane Maxamed Cabdullaahi  Farmaajo iyo Wasiirka arrimaha dibadda Mudane Maxamed Cabdirisaaq.

Safiir Ilyaas ayaa balanqaaday inuu ka shaqayn doono sidii loo sii xoojin laha xariirka iyo wada shaqeynta ka dhaxeeysa wadamda Carabta iyo Soomaaliya.

Mudane Ilyaas Sheekh Cumar Abuubakar ayaa dhawaan loo magacaabay safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Masar iyo wakiilka joogtada ah ee Soomaaliya u qaabilsan Jaamacadda Carabta.

Office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post