1155 Views

Madaxweyne Lafta-gareen oo ciidamo tababar ugu soo xiray Magaalada Baydhabo

Madaxweyne Lafta-gareen oo ciidamo  tababar ugu soo xiray Magaalada Baydhabo
____________________________________________________________________________

May 16 2021

Wararka ka imaanaya  magaalada baydhabo ayaa sheegaya in Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) uu ciidamo cusub tababar ugu soo xiray Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Ciidamadan oo noqonaya dufcaddii 4aad ee Daraawiishta Koonfur Galbeed yeelanayso ayaa waxaa tababarkan siinayay Saraakiil ka tirsan Qaybta 3aad ee Hawlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika.

Sidoo kale Ciidamada ayaa munaasabaddii tababarka loogu soo xiraayay ku soo bandhigay dhoolatus ka tarjumaya tababarkii ay qaateen iyo sida ay diyaarka ugu yihiin ka qayb qaadashada xoojinta amniga ee deegaanada Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo munaasabadaasi ka hadlay ayaa marka hore u mahadceliyay Saraakiishii AMISOM ee tababarka bixineysay.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post