390 Views

Cabsi xoogan oo lasoo deristay Somaalida ku nool dalalka Canada iyo mareykanka.

Cabsi xoogan oo lasoo deristay Somaalida ku nool dalalka Canada iyo mareykanka.
____________________________________________________________________________

Aaxd: May 29, 2022

Waxaa sii gordhaya baqdinta lasoo deristay Waalidiinta Soomaaliyeed ee ku nool dalalka canada iyo mareykanka taas oo la xiriirtaa weerarada lagu qaado goobaha waxbarashada dalalkaasi.

Waalidiinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Canada ayaa la faray in muujiyaan feejignaan dheeri ah, Sidoo kalana caruurta loo dirayo iskuulada laga war haayo, kadib markii ay gordheen weeraradda lagu qaato Goobaha waxbarashada ee ku yaal Canada.

Booliska magaalada Toronto ee dalka Canada ayaa khamiistii toogtay nin hubeysan oo doonayay in uu weeraro iskuulo ku yaala magaalada Toronto, iyagoona sheegay in uu ahaa 27 jir in kastoo magaciisa aysan wali sheegin Booliska Canada.

Dhanka kale Inta la xaqiijiyey hal qof ayaa ku dhintay halka 2 kalena ay dhaawacmeen, ka dib markii uu nin hubaysani rasaas ku furay madal qalin jebina oo ka dhacaysay magaalada Atlanta ee dalka Maraykanka.

Goobta ayaa ahayd meel aad u cammiran oo ay fadhiyeen in ka badan 200 qof. Sidoo kale toddobaadkii hore ayay ahayd markii iskuul ku yaalla gobolka Taxes lagu dilay 19 arday iyo laba qof oo waayeel ah. Iyadoo dil wadareedkaas uu geystay wiil 18 jira ahaa kaas oo soo qaatay qori shiishkiisu sarreeyo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post