594 Views

Xaaskii Trump oo la shaaciyay sababta ay u geeriyootay

Xaaskii Trump oo la shaaciyay sababta ay u geeriyootay
____________________________________________________________________________

Sabti: July 16, 2022

Ivana Trump oo ah xaaskii hore ee madaxweynihii Mareykanka Donald Trump ayaa u dhimatay dhaawacyo culus oo soo gaaray jirkeeda, sida laga soo xigtay xafiiska baaritaanka arrimaha caafimaadka ee New York.

Xafiiska baaritaanka arrimaha caafimaadka ayaa ‘shil’ ku tilmaamay geerida ku timid shaley Ivana Trump oo 73 jir aheyd.

Warbaahinta Mareykanka ayaa ku warrameysaa inay dhimatay Ivana kadib markii ay kasoo turaanturoortay janaajarta guri ay degeneyd oo ku yaalla magaalada New York.

Ivana Trump, oo ku dhalatay dalka Czechoslovakia, waxay guursatay madaxweynihii hore 1977. Waxay is fureen 15 sano ka dib 1992.

“Waxay ahayd haweeney cajiib ah, qurux badan, taasoo soo martay nolol weyn oo dhiirigelin leh,” ayuu yiri Mr Trump.

Waxay isku dhaleen saddex carruur ah oo kala ah Donald Jr, Ivanka iyo Eric Trump.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post