5238 Views

Ciidamada Eithiopia oo Odayaal ku dilay Rabdhuure

Ciidamada Eithiopia oo Odayaal ku dilay Rabdhuure
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 06 January 2016: Waxaa la soo sheegayaa in Ciidamada Ethiopia ay shalay Afar Oday Dhaqameed ku dileen Degmada Rabdhuure ee Gobolka Bakool. Wararka na soo gaaraya  ayaa sheegay in Ciidanka Ethiopia ay Odayaasha kala baxeen Guryahooda, kadibna ay ku toogteen Meel ku taallo Duleedka Rabdhuure. Dadka Deegaanka ayaa sheegay in Odayaasha ay yihiin kuwa si weyn looga yaqaaney Rabdhuure iyoo Deegaanada kale ee ku yaalla Gobolka Bakool, islamarkaana aysan garanaynin sababto loo dilay.

Magacyada Odayaasha ay dileen Ciidanka Ethiopia:

1- Abdirahman Abdullahi 65 Jir

2- Mohamad Khayr 55 Jir

3- Adan Abdullahi 50 Jir

4- Mohamed Mukhtar 35 Jir

Ma cada sababta  odayaasha loo dilay ayaga oo an waxba galabsan,mana aha marki ugu horeeysay oo Ciidamada Itoobiya ay xasuuqdo dad an dambi lahayn. Waxaan ognahay in sanadkii lasoo dhaafay dabayaaqadiisa ku dileen Deegaanka Halgan ku dhawaad 6 Oday.

Waxaa inta kasi yaab badan ma jirto cid Dowlada ka mid ah ee arrintaa gar-darrada ka hadashay.

 

 

.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment