1146 Views

Shirka 3aad ee Tacliinta sare ee Soomaaliya oo maanta ka furmay Muqdisho

Shirka 3aad ee Tacliinta sare ee Soomaaliya oo maanta ka furmay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL July 23, 2019 —Shirka Sanadlaha ah ee Tacliinta sare ee Soomaaliya oo sanadkan markii 3aad lagu qabanayo Muqdisho ayaa maanta kafurmay magaalada Muqdisho.

 

Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo tacliinta sare Xil: Cabdullaahi Goodax Barre oo shirka furay ayaa u mahadceliyey dowladaha caawiyey tacliinta sare ee Soomaaliya oo ay kamid yihiin: Suudaan, Turkiga, Masar, Talyaaniga  iyo Shiinaha oo ay Danjireyaashoodu kasoo qaybgaleen Shirka 3aad ee tacliinta sare ee Soomaaliya.

 

Waxa uu Goodax Barre uga dhawaaqay shirka tacliinta sare ee Soomaaliya in sanadkan 2019 ay Wasaaradda Waxbarashadu kusoo rogi doonto jaamacadaha iyo guud ahaan tacliinta sare ee Soomaaliya in ay yeeshaan Aqoonsi (Accelerations)

 

Madaxweynaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS) Maxamed Jimcaale oo isna kahadlay Shirka ayaa uga mahadceliyey dhammaan hay’adaha tacliinta sare howsha ay hayaan ee horumarinta Waxbarashada sare.

 

Shirka tacliinta sare ee sanadkan ayaa xoogga saaray Waxbarashada  Caafimaadka iyo hoos u dhigidda Saboolnimada oo kamid ah.

 

Sanadkan shirka 3aad ee Tacliinta sare ee Soomaaliya waxa kaqaybgalay inta badan Jaamacadaha Dalka iyo Madaxda Jaamacado kayimid Waddamo ay kamid yihiin Suudaan iyo Itaaliya.

 

Waxa shirka laga jeediyey Dhowr muxaadaro oo kusaabsanayd Hoos u dhigidda Saboolnimada,  Waxbarashada iyo Cilmi-baarista, Tacliinta sare ee Soomaaliya iyo Kaalinta Teknolajiyadda iyo Waxbarashada Farsamada gacantu ku leedahay Tacliinta sare ee Soomaaliya.

 

Shirkan ayaa magaalada Muqdisho kasocon doona muddo 3 maalin ah

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment