3858 Views

Hoggaamiyaha ONLF oo si weyn loogu soo dhoweeyey Addis-Ababa

Hoggaamiyaha ONLF oo si weyn loogu soo dhoweeyey Addis-Ababa
____________________________________________________________________________

Addis Ababa | QOL | December 1, 2018 – Sida ay shaaciyeed warbaahinta dowlada iyo kuwa maxaliga ah ee dalka Itoobiya ayaa sheegaya in madaxa ururka ONLF iyo wafdi uu hoggaaminayo si diiran loogu soo dhaweeyay magaada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

ONLF ayaa ku horay looga saaray Liiska Argagixisadda kadib Isbadel Ballaaran oo ka dhacay dalka Itoobiya, waxaana lagu waddaa in ay  wada hadal la yeeshaan Ra’iisul Wasaaraha dalka itoobiya Abiy Axmed.

Wafdigan oo ka kooban 20 Xubnood,waxaa uu qorshuhu ahaa in Arbacadii la soo dhaafay ay ku laabtaan Itoobiya hayeeshee dib ayey u dhacday.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya, Madaxweynaha Dowlad degaanka,ku xigeenkiisa,Wasiirka Maaliyadda dowladda Itoobiya iyo xubno kale ayaa ku qaabilay Garoonka Diyaradaha ee Hilton.

OLNF waxaa ay dagaal kula jirtay Dowladda Itoobiya tan iyo 1984tii xilligaas oo la aas aasay, heshiiska cusub ee Itoobiya iyo ONLF ayaa waxaa ka mid ahaa in ay hubka dhigaan,hadafkoodana ku gaaraan siyaasad nabadeed.

 

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment