1401 Views

Khilaaf soo gala dhexgalay Mas’uuliyiinta Jubbaland Qaarkood

Khilaaf soo gala dhexgalay Mas’uuliyiinta Jubbaland Qaarkood
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL August 03,, 2019 —Aadan Aw-Xirsi oo ah Wasiirka Qorsheynta Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa ku eedeeyay Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland oo ka mid yihiin Madaxweyne ku xigeenka Koowaad Maxamuud Sayid Aadan iyo Wasiirka Amniga Jubbaland in ay faragalin toos ku hayaan Odayaasha dhaqanka.

 

Wasiirka ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxaa muuqday Khilaafka kala dhaxeeyay Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland iyo Wasiirka Amniga Cabdirashiid Janan, waxaana uu sheegay in Sharaf dhac ay ku hayaan waxgaradka.

 

 

 

Maalin ka hor ayuu sheegay Wasiir Xirsi in Waxgaradka gobolka Gedo Caburin iyo Sharaf ay ku hayaan labadiisa Mas’uul, islamarkaana aysan heysan Fursad ay ku soo xulaan xildhibaanada.

 

Maanta ayuu sidoo kale bartiisa Twiterka kusoo qoray in Wasiir ka tirsan Jubaland uu Odayaasha Beeshiisa u gacan geliyay liis Xildhibaanno ah, haddii ay beddelaanna ay kala kulmi karaan qatar kale.

 

Xirsi ayaa lagu tilmaamaa in uu ka mid yahay Saaxiibada dhow ee Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, waxaana uu ka mid ah xubnaha sida weyn u difaaci jiray sidoo kalena Wasaaraddo kala duwan kasoo qabtay Jubbaland.

 

Wasiirka Amniga Cabdirashiid Janan iyo Madaxweyne ku xigeenka labadaba wali kama hadlin eedeymaha kaga imaanaya Wasiir Xirsi.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment