603 Views

Madaxweynaha Zambia oo xaqiijiyey inuu caafimaad qabo ka dib markii uu istaaga ka dhacey.

Madaxweynaha Zambia oo  xaqiijiyey inuu caafimaad qabo ka dib markii uu istaaga ka dhacey.
____________________________________________________________________________

June 14 2021

Madaxweynaha Zambia Edgar Lungu, ayaa u xaqiijiyey muwaadiniinta dalkiisa inuu caafimaad qabo, ka gadaal markii uu istaaga ka dhacey.

Madaxweynaha ayaa ka qeyb galayey xaflad loo sameynayey ciidanka qarankaasi axadii ina dhaaftey caasimadda Luzaka, waxaa lasoo darsey markii uu dhacayey tabaryari iyo wareer.Xoghayaha golaha wasiirada Simon Miti, ayaa soo saarey war uu ku sheegay in madaxweynuhu caafimaadkiisu wanaagsan yahay, uuna gutey hawshii qaran ee uu hayey.

Dr Miti ayaa sheegay in Madaxweyne Lungu uu markiiba kasoo kabtey wixii ku dhacey.

Dhibaatadan oo kale ayey madaxweynuhu lasoo daristey sanadkii2005-tii, iyadoo taasi lagu macneeyey mid katimid dhanka hunguriga.

Madaxweyne Lungu ayaa quud dareynaya in mar kale dib loo doorto doorashada lagu wado in loo dareero 12-ka bisha August ee sanadkan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post