441 Views

Ciidamada Kenya oo loogu deeqay Malaayiin Dollar si ay isaga Difaacaan dagaalyahanada Al Shabaab

Ciidamada Kenya oo loogu deeqay Malaayiin Dollar si ay isaga Difaacaan dagaalyahanada Al Shabaab
____________________________________________________________________________

Khamiis: LULY 21, 2022

Dowladda Kenya ayaa qaati ka taagan dagaalyahano hubeesan oo katirsan Al Shabaab, kuwaa oo weeraro gaadmo ah inta badan  ka geesta gobolada Xeebta iyo Waqooyi bari ee dalka Kenya .

Kenya ayaa marar badan waddamada reer galbeedka ka codsatay in ay ka taageeraan dagaalada ay kula jiraan Al Shabaab ,waxaana hadda Kenya taageero dhaqaale iyo mid milatari ka heshay qaar kamid ah waddamada saaxiibka dhaw la ah.

Dowladda Ingiriiska ayaana sheegtay in  dowladda Kenya ka taageerayso xoojinta dagaalka ay kula jiraan kooxaha argagasida , waxa ayna Ingiriiska Kenya u ballanqaaday in ay siineyso malaayiin dollar.

Lacagtan malaayiinta dollar ee Ingiriiska siinayo Kenya ayaa lagu hirgalinayaa xarun loogu talagalay inay ku hawl galaan Ciidamada Booliska la dagaalaka Argagixisada ee –ATPU loo soo gaabiyo ee Kenya, taasoo laga hirgaliyay gobbolka Xeebta ah ee Mombasa.

https://fac757956ef85730f2fecdc8d22a129a.safeframe.googlesyndication.com/safeframe/1-0-38/html/container.html Al Shabaab ayaa inta badan Gobolka Xeebta ee Kenya ka geesata weeraro xoogan, waxaana dowladda Kenya dooneysaa in ciidamo badan geeso gobolkaasi si ay uga hortagaan weerarada Al Shabaab.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post