909 Views

Dagaal kulul oo mar kale galabta gabaldhicii ka dhacay Duleedka magaalada Guriceel..

Dagaal kulul oo mar kale galabta gabaldhicii ka dhacay Duleedka magaalada Guriceel..
____________________________________________________________________________


Axad: October 24, 2021

Wararka ka imaanaya magaalada Guriceel ayaa sheegaya in galabta gabaldhicii uu mar kale dagaal kooban ka dhacay agagaarka jaamacada oo la sheegay in ay wali ku sugan yihiin Ciidamada Ahlusunna.

Dagaalkan ayaa soo gaaray caawa Fiidkii, waxaana la sheegay in uu ka dhashay qasaare kala duwan, waxaana la isku adeegsaday Hubka Nuucyadiisa kala Duwan.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Ahlusunna ee ku sugan gudaha magaalada ay soo gaareen Ciidamo Gurmad ah oo ka yimid dhinaca Xeraale iyo Huurshe..

Sidoo kale dagaalkan ayaa ah mid lala yaabay maadaama saacadihii la soo dhaafay la sheegayay in la soo af jaray Colaadii ka socotay Guriceel, lagana saaray Maleeshiyaadkii Ahlusunna halkaas.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post