1044 Views

Dab xoog leh oo ka kacay Kyiv

Dab xoog leh oo ka kacay Kyiv
____________________________________________________________________________

Bakhaar cuntada lagu kaydiyo oo ku yaalla Kyiv ayaa dab qabsaday ka dibs markii ay ciidamadda ruushka duqeeyeen,Sida lagu sheegay qoraal ay soo saartay waaxda Gurmadka Degdegga ah ee Ukraine.
Kooxda dab damiskana ayaa wali ku hawlan daminta dabka.

Ilaa hadda lama soo sheegin wax khasaare nafeed ah oo dabkaasi ka dhashay.
Dhanka kale Ku dhowaad 20,000 oo mutadawiciin ajaanib ah, ayaa isku diiwaan galiyey iney ka barbar dagaalamaan ciidamada Ukraine ee ka dhanka ah duullaanka Ruushka, sida ay sheegeen saraakiisha Ukraine.
Waxaa jira bar lagu hago dagaal yahanada ajnabiga ah, si ay u qoraan cutubyo caalami ah oo ay dajisay wasaaradda gaashaandhigga.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post