1212 Views

Axmed Madoobe oo Madaxda dowladda uga digey muddo kororsi

Axmed Madoobe oo Madaxda dowladda uga digey muddo kororsi
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October15–2019 —Madaxweynaah dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in uu walaac ka qabo warar soo baxayay oo sheegayay in madaxda Dowladda federaalka ay doonayaan inay mudada kororsadaan.

 

Waxaa uu sheegay in madaxdii ka horeeysay ee Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh ay jeclaayeen in waqtiga loo kordhiyo,hayeeshee ay ahaayen kuwo dhowrayay sharciga iyo kala dambeynta.

 

Sidoo kale waxaa uu sheegay in qof walba uu dalkaan meel soo gaarsiiyey,hayeeshee aan la ogolaaneyn in maranaba madaxda hadda joogta ay mudada kororsadaan, isaga oo Madaxweyne Farmaajo ugu baaqay in uu maro wadada madaxdii ka horeeysay.

 

Siyaasiyiinta mucaaradka iyo Madaxweynayaashii hore ee dalka soo maray ayaa horay dhowr mar ugu cel celiyey in Madaxda Dowladda Federaalka ay doonayaan inay muddo kororsi sameeyaan.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment