1272 Views

Wabiga Shabeelle oo fatahaad ku sameeyay saakay Xaafadda Xaawo Taako ee Magaalada B/weyne

Wabiga Shabeelle oo fatahaad ku sameeyay saakay Xaafadda Xaawo Taako  ee  Magaalada B/weyne
____________________________________________________________________________

.

May 25 2021

Wabiga Shabeelle ayaa fatahaad ku sameeyay Xaafadda Xaawo Taako gaar ahaan laanta dhagax jabis kadib markii biyo kasoo baxay Hilada xeeyntooy sida Hiiraanweyn ay u xaqiijiyeen qaar kamid ah dadka xaafaddaas.

Qoysaska ayaa bilaabay in ay ka barakacaan guryahooda kadib markii cabsida lasoo deristay ay xooggeysatay maadaama wabiga uu bilaabay in uu fatahaad ku sameeyo, welwelka ugu weyn ee sababay barakacooda waa ka fogaanta go’doon ay galaan.

Digniin uu soosaaray maamulka Gobolka Hiiraan maalmo kahor waxa uu ku muujiyay in biyo badan uu keenay Wabiga Shabeelle sidaas awgeed loo baahan yahay in laga hortago kahor inta aanay karkaarada jabsan.

Guddiga kahortagga Fatahaadda Wabiga ayaa sameeyay carro-tuur xooggan si ay u celiyaan biyaha Wabiga isla markaana looga hortago fatahaad saameyn taban ku reebtay Shacabka Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

DG Hir-Shabeelle Guddiga uu u xilsaaray fatahaadda Wabiga waxa uu sheegay in uu gacan maran yahay kadib markii dhaqaalaha Xukuumadda u ballanqaaday ay bixin weysay Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya inkasta oo uu eedeyntaas iska fogeeyay Wasiir Beyle.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post