921 Views

Khasaarihii ka dhashay dagaalkii ka dhacay Boosaaso oo la shaaciyay

Khasaarihii ka dhashay dagaalkii ka dhacay Boosaaso oo la shaaciyay
____________________________________________________________________________


Arbaco April 20, 2022

Guddigii loo xil saaray inay qiimeyn ku soo sameeyaan khasaarihii ka dhashay dagaalkii ka dhacay Magaalada Boosaaso ee u dhaxeeyay Ciidamo ka wada tirsan Puntland ayaa soo saaray inta uu la egyahay khasaaraha ka dhashay dagaalkaas.

Warqad labo bog ah oo kasoo baxday Guddiga ayaa lagu sheegay in dagaalkii ka dhacay Boosaaso Sanadkii hore bishii 12-aad uu geystay khasaaro iskugu jira dhimasho, dhaawac iyo Burbur hantiyadeed.

Qoraalka kasoo baxay Guddigii ayaa lagu tilmaamay in dhimasho ay tahay 22 qof oo iskugu jira Rag iyo Dumar, halka khasaaraha Guryaha ay ku sheegeen in uu la egyahay 206 guri.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post