1002 Views

Sucuudigu oo sheegay in xuutiyiintu ay weerar ku qaadeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Abha ee Koonfurta Sucuudiga

Sucuudigu oo sheegay in  xuutiyiintu ay weerar ku qaadeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Abha ee Koonfurta Sucuudiga
____________________________________________________________________________

February 10, 2021

Isbahaysiga uu sucuudigu hoggaamiyo ee ka hawgala dalka Yemen ayaa sheegay in xuutiyiintu ay weerar ku qaadeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Abha ee Koonfurta Sucuudiga ku yaal, waxayna waxyeello gaarsiiyeen diyaarad kuwa rakaabka ah oo garoonkaas taallay.

Isbahasyigu wax faahfaahin ah kama bixin weerarka,iyo in khasaare kale jiro iyo in kale, balse waxay sheegeen in dabkii diyaaradda qabsaday ay xakameeyeen.

Fallaagada Xuutiyiinta ayaa horay weerar diyaaradaha aan cidina wadin loo adeegsaday ku qaaday garoonka diyaaradaha ee Abha.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post