909 Views

Maxkamadda Ciidamada oo xukuntay askar lagu helay kufsi & dil

Maxkamadda Ciidamada oo xukuntay askar lagu helay kufsi & dil
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 30, 2020 –Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida qeybta 27aad ayaa Maanta waxaa ay xukuno kala duwan ku riday Saddex Askari  oo ka tirsan Ciidamada dowladda oo lagu eedeeyay fal kufsi iyo dil ah oo ka dhacay degmada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo.

Saddexda Askari ayaa waxaa lagu kala Magacaabaa Xidigle xooga Nuur Aadan Rashiid, Saddex Xerigle Maxamed Maxamuud Buulle & Dable Salaad Xareed Cali, waxaana Xafiiska Xeer ilaalinta ku eedeeyay kufsi & dil loo geytay Marxuumad  Ismahaan Bakaal Maxamed.

Guddoomiyaha Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida qeybta 27aad Gaashaanle Maxamed Amiin Cabdulle  Aadan oo xukunka ku dhawaaqay ayaa sheegay in eedeysanaha 1aad ee Magacaabaa Xidigle xooga Nuur Aadan Rashiid lagu helay Afduub, kufsi & dilka Marxuumad Ismahaan Bakaal Maxamed, , Saddex Xerigle Maxamed Maxamuud Buulle ayaa lagu helay in uu gacan ku siiyay dilka Xidigle xooga Nuur Aadan  uuna u diibay qorigiisa laguna dilay.

Guddoomiyaha Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida qeybta 27aad Gaashaanle Maxamed Amiin Cabdulle  Aadan ayaa sheegay in Xidigle xooga Nuur Aadan Rashiid lagu xukumay dil toogasho halka Maxamed Maxamuud Buulle lagu xukumay Shan Sano oo Xabsi ah, sidoo kale uu amray in Xabsiga laga sii daayo Dable Salaad Xareed Cali, kaddib markii wax dambi ah lagu waayay.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida qeybta 27aad ayaa horay waxaa ay xukuno kala duwan ugu riday askar iyo dad Shacab ah oo lagu helay dambiyo kala duwan oo isugu jira, dil, kufsi iyo dhac intaba.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post