1368 Views

R.W Kheyre Oo La Kulmay Safiirrada Midawga Yurub Ee Soomaaliya

R.W Kheyre Oo La Kulmay Safiirrada Midawga Yurub Ee Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Janaayo 23, 2019 –Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan mira dhal ah kula yeeshay safiirrada dalalka midawga Yurub ee Soomaaliya.

Ra’iisul wasaare Khayre ayaa danjirayaasha kala hadlay caqabadaha dalka ka jira, halbeegyada dawladdu ay doonayso in lagu guulaysto sannadka 2019, dib-u-habaynta dhaqaalaha iyo ciidanka Qaranka.

Kulanka uu ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre la yeeshay safiirrada ayaa sidoo kale looga hadlay mashaariicda horumarineed ee dalka ka socda iyo taageerada midawga Yurub ay ka gaysanayso dadaalada nabadda iyo horumarka Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment