1017 Views

Maamulka Jubbaland oo cadeeyay mowqifkooda shirka 20-ka May

Maamulka Jubbaland oo cadeeyay mowqifkooda shirka 20-ka May
____________________________________________________________________________

Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa cadeeyay mawqifkooda ku aadan shirka wadatashiga doorashooyinka ee uu dhawaan iclaamiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, kaas oo  la filayo in uu dhawaan Muqdisho ka furmo.

Wasiiru dawlaha madaxtooyada Jubbaland Xersi Jaamac Gaani ayaa sheegay in Jubbaland ay soo dhaweeyneyso qabsoomida shirka, isaga oo raja wanaagsan ka muujiyay waxyaabah kasoo bixi doona.

Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in Ra’iisul Wasare Maxamed Xuseen rooble laga doonayo in uu cadeeyo in Ummadda Soomaliyeed uu dhex u yahay lagu kalsoonaado dhankoodana ay dadaal weyn gelin doonaan sidii Soomaliya wadada saxda ah ugu soo noqon laheyd.

Maamulka Jubbaland ayaa kamid ah Maamulada soo dhaweeyay Shirka uu iclaamiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, kas oo qabsoomaya 20-ka Bishaan ooh al Maalin kaliya ay ka harsan tahay.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post