135 Views

C/weli Cali Gaas oo ku eedeeyay Sheekh Shariif inuu ka dambeeyay qaraxii ka dhacay Tiyaarta

C/weli Cali Gaas oo ku eedeeyay Sheekh Shariif inuu ka dambeeyay qaraxii ka dhacay Tiyaarta
____________________________________________________________________________

Isniin 25 December (Qaranimo Online) R/wasaarihii hore ee Soomaaliya Dr. Cabdiweli Cali Gaas ayaa dhowaan soo bandhigay buug uu ka qoray taariikhdiisii siyaasadeed, waxaana qeybaha uu buuggaasi ku soo bandhigay ka mid ah; korriinkiisa, waxbarashadiisii, marxaladihii siyaasadeed ee uu goob joogga u ahaa & dhacdooyinkii soo maray xilligii uu Raysal Wasaaraha  ahaa.

Qaraxaasi dadkii ku dhintay  waxaa ka mid ahaa ALLAHA u  wada naxariistee Gudoomiyihii Guddiga Olambikada Soomaaliyeed Aadan  Yabarow (Wiish) iyo Gudoomiyihii Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed Siciid Mugaambo & Xildhibaan Mowliid Macaan oo xilli dambe u dhintay dhaawac ka soo gaaray qaraxa.

C/weli Gaas buuggiisa wuxuu ku qoray in Wasiirkii Warfaafinta ee xilligaasi Cabdulqaadir Xuseen Maxamed (Jaahweyn) ka codsaday isaga & Madaxweyne Shariif in ay kala soo qeybgalaan munaasabad lagu maamuusayay 28 guuradii ka soo wareegtay Taleefishinka Qaranka, ayna labadooda si wadajir ah uga aqbaleen.

C/weli, wuxuu buugga ku yiri:

“Iyada oo ay xafladu maalin ka dhiman tahay ayuu isoo wacay Wasiirkii Warfaafinta Jaahweyn, wuxuu igu yiri “R/wasaare berri waa maalintii la balansanaa, waana kugu tashanayaa xafladda” waxaan u xaqiijiyay inaan ka soo qeybgalayo, waxaana u sheegay in Madaxweynuhu ay ka suurtowdo inuu iloobay, waxaana kula taliyay inuu xasuusiyo. Wasiirku wuu la xiriiray Madaxweynaha si uu ula socodsiiyo madashii lagu balansanaa in ay berri tahay. Sabab jirtay ba Madaxweynuhu wuu ku xanaaqay Wasiirka, wuxuuna u sheegay in aanu ka soo qeybgaleyn. Wasiirkii ayaa isoo wacay oo igu yiri “Mudane R/wasaare Madaxweynuhu wuxuu igu yiri ka soo qeybgeli maayo”.

Mar kale C/weli Gaas wuxuu buuggiisa ku qoray:

“Madaxweynuhu wuxuu maalmaha shaqada xafiiskiisa imaan jiray 10-ka subaxnimo, laakiin maalintaasi wuu ka soo hormaray. Wasiirka ayaa u tegay si uu uga baryo inuu xafladda kala soo qeybgalo. Madaxweynuhu si fudud ayuu ugu jawaabay “ Anigu ma imaanayo” Waxaan Wasiirka u soo jeediyay haddii Madaxweynuhu aanu imaan kareyn in madasha oo dhan uu dhowr berri dib u dhigto, kaddibna isku dayo marka uu Madaxweynuhu dago inuu mar kale casuumo. Taladeydii ayuu qaatay oo wuxuu  ku taliyay in dib loo dhigo xafladda, laakiin haddana Madaxweynihii ayaa aad u carooday oo yiri, “Anigu ma imaanayo, xafladda na ma baajin kartid ee waa in jadwalkeeda ay ku dhacdaa”

C/weli, wuxuu buugiisa ku qoray  ba iska iloobay waan se imaanayaa, madaxweynaha wac oo xusuusi waxaa suurtagal ah inuu iloobay howlaha oo ku badan darteed” Ayuu ku yiri C/weli Gaas, buuggiisa, isaga oo intaasi ku daray in markii Wasiirkii Warfaafintu u tegay Madaxweyne Shariif inuu si cad ugu sheegay inuusan ka soo qeybgeli

C/weli Gaas mar kale wuxuu buuggiisa ku qoray:

“Maadaama Madaxweynuhu yiri xafladda dib looma dhigi karo, mana imaanayo, waxaa jirtay xan sheegeysa inuu weerarka ku lug lahaa. Anigu ma rumeysan, laakiin falkiisii far baa ku godnayd, gaar ahaan dadkii doonayay qof ay eeda dusha ka saaraan. Waxaa kaloo jirtay in duqa magaalada, wasiirka arrimaha gudaha, amniga qaranka, taliyaha booliska iyo madaxa hay’adda sirdoonka qaranku aanay iyaguna goobta iman. Waa wax aan kagu aqoon in ay ka maqnaadaan madashaa oo kale. In madaxdii meesha ka maqnaatay badankooda ay isku dhowaayeen madaxweynaha ayaa iyaduna shaki abuurtay”

W/Q: Xuseen Jaamac

E-mail: hussienjamac21@gmail.com

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post