942 Views

Madaxda M/Goboleedyada qaarkood oo kulamo siyaasadeed ka wado Muqdisho

Madaxda M/Goboleedyada qaarkood oo kulamo siyaasadeed ka wado Muqdisho
____________________________________________________________________________

Khamiis: April 21, 2022

Waxaa magaalada Muqdisho ka soconaya kulamo siyaasadeed loogu hadlayo doorashada guddoonka labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Kulamadaan waxaa magaalada Muqdisho ka wada Madaxweynaha yaasha maamul goboleedyada Koofur Galbeed, Galmudug & Puntland.

Madaxdaan waxaa ay kulamo gooni gooni ah ay la qaadanayaan Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Iyagoona kala hadlaya sida ugu dhaqsiyaha in la doorto guddoonka labada aqal ee BFS.

Madaxweynayaasha ayaa waxaa la sheegay in qaarkood ay taageero gaar ah u muujinayaan musharxiin u tartamaya guddoonnka labada aqal oo ay kala wataan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post