1047 Views

Goobo muhiim ah oo Sucuudiga ku yaalla oo la weeraray

Goobo muhiim ah oo Sucuudiga ku yaalla oo la weeraray
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 14 2019 —Dowladda Sacuudiga ayaa xaqiijisay  in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka ay weerareen oo dab qabad siiyeen laba wershadood oo kuwa shidaalka ah oo ay leedahay shirkadda dawladda ee Aramco.

Dowladda waxa ay sheegtay in Weerarada lagu egeeyay wershadda shidaalka ee Khurays ee dhanka galbeed ee Sucuudiga.

Dabkii ka kacay labada wershadood ayaa sidoo kale dowladda ku guuleystay in la damiyo oo la xakameeyo.

“Abaaro 7 subaxnimo ayaa waaxda badbaadada ee Aramco bilowday in ay dab ka kacay laba wershadood oo ku kala yaal Abqiiq iyo Khurays bakhtiiso, waxaana dabkaasi huriyey weerarro diyaarado aan duuliye lahayn ku qaadeen goobahaas” ayey tiri wakaaladda wararka ee Sucuudigu.

Dagaalyahannada Xuutiyiinta ayaa hore loogu eedeeyey weerarro ay bishii hore diyaarado aan duuliye lahayni ku qaadeen warshadda gaaska dabiiciga ah soo saarta ee Shaybah iyo goobo kale oo shidaalka laga qodo oo bishii May iyagana weerarro lagu qaaday.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment