786 Views

Maxamed Cali: Sawirada dhifka ah ee feeryahankii Muslimka ahaa ee lagu iibsanayo ku dhawaad milyan doolar

Maxamed Cali: Sawirada dhifka ah ee feeryahankii Muslimka ahaa ee lagu iibsanayo ku dhawaad milyan doolar
____________________________________________________________________________


Arbaco: October 6, 2021

Sawirro dhif ah oo uu uruuriyey feeryahankii Muslimka ahaa Maxamed Cali ayaa lagu iibiyey lacag dhan hal milyan oo doolarka Mareykanka ah.

Ku dhawaad 26 farshaxan oo laga soo uruuriyay gurigiisa ayaa lagu iibiyay xarunta Bonhams ee magaalada New York.

Mid ka mid ah farshaxankiisa ee loogu magac daray, Sting Like shinni, ayaa lagu iibiyay 425,000 oo doolar (£ 311,853), in ka badan 10 jeer qiyaastiisii hore.

Maxamed Cali waxaa lagu ammaanaa inuu ka mid yahay ciyaartoydii abid ugu wanaagsanaa, dhaqdhaqaaqe dhanka bini’aadanimada iyo abwaan, balse hibooyinkiisa faneed aad looma ogayn.

Maxamed Cali waxa uu ku dhashay gobolka koofurta mareykanka ku yaalla ee Kentucky.

Waxa uu muslim noqday sanadkii 1964 oo ahayd markii ugu horeysay ee abaalmarinta caalamiga ah uu ku guuleystay.

Seddax jeer ayuu helay abaalmarinta feerka culus ee caalamka

BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post