801 Views

5 sano ka dib afgambigii dhicisoobay ee Dalka Turkiga maxaa ka dhacay?

5 sano ka dib afgambigii dhicisoobay ee Dalka Turkiga maxaa ka dhacay?
____________________________________________________________________________

Axad: July 11, 2021

Tan iyo markii la aasaasay, Jamhuuriyadda Turkiga waxaa soo maray faragelinno badan oo ay ciidamada ku sameeyeen.

Waxaa ka dhacay 4 afgambi oo militari, laba ka mid ah ayaa horseeday isbeddel dowladdeed, iyada oo ciidanka aysan la wareegin awoodda xukunka.

Bishii Luulyo 15, 2016, waxaa Turkiga ka dhacay isku day afgembi oo dhicisoobay, waxaana ku xigay isbeddello badan oo dalka ka dhacay.

Maxaa dhacay shantii sano ee la soo dhaafay?

Sidee ayuu u dhacay afgambiga dhicisoobay?

Ciidammada ayaa la wareegay xarumaha warbaahinta qaranka ee TRT. Dadkii hoggaaminayay afduubkana waxay sii wadeen in ay fariimahooda baahiyaan.

Waxay sheegeen in guddi ammaan ay la wareegeen taladii dalka.

Warbaahinta CNN Turk ayaa la damiyay ka dib markii ciidanka ay gudaha u galeen, baraha bulshada ayaana la hakiyay.

Laakiin arrintaas warbaahinta ay mucaradka qabsadeen ah ma aysan sii waarin, xataa Recep Tayyip Erdogan inta uusan gaarin garoonka diyaaradaha ee Ataturk, wuxuu la soo xiriiray CNN Turk wuxuuna dadka Turkida ah ugu baaqay in ay wadooyinka u soo baxaan isaga oo muuqaal ahaan fariintaas u gudbinaya.

Madaxwaynha nasiib ayuu lahaa, wuxuu sheegay in bambo lala dhacay huteelkii uu daggaana ka dib markii uu ka soo tagay, lana qabsaday xoghayihiisii guud.

Saacado ka dib ma cadayn meesha uu joogay madaxwayne Erdogan.

Wararka qaar waxay sheegayeen in uu fasax nasasho u joogay Marmaris oo ah goob loo tamashle tago ama loo dalxiis tago oo ku tala bartamaha Koonfurta galbeed ee Turkiga.

Arrintu se waxay is beddashay markii uu Erdogan u soo duulay garoonka Ataturk ee magaalada Istanbul, halkaas oo uu ku qabtay war saxaafadeed uu kaga dhago adaygayay wixii dhacay.

Markii uu tagay saldhig ay ciidamadu leeyihiinna, waxaa caddaatay in dawladda ay dib u helaysay gacanku hayntii maamulka, waxayna heleen saraakiil sare oo dawladda taageeray.

Ankara oo ah meesha xarunta u ah madaxwaynaha iyo meesha ay dawladda dagantahay, gacanta uguma jirin Erdogan, balse Istanbul intii uu joogay waxaa u suuragashay in uu si toos ah ula hadlo dadka Turkida ah.

Saxafiyiinta ayuuna u sheegay in wixii dhacay ay khayaanno qaran ahayd.

Shacabka Turkiga waa kuwa millatariga dib ugala wareegay garoonka diyaaradaha ee Ataturk, dadka ayaana ciidamada ka celiyay Telefeshinka iyo idaacadda qaranka.

Shaqo ka eryidda afgambiga ka dib

Dawladda Turkiga ayaa shaqada ka eriday18 kun oo qof oo isugu jira askar, saraakiil booliis, macallimiin iyo qaar ka tirsan shaqaalaha rayidka ah.

Waxaa sidoo kale la xiray xarun telefishin iyo saddex wargays.

Waa shaqo ka tiristii ugu dambaysay ee ay xukuumaddu samayso ka dib afgambigii dhicisoobay ee bishii July sannadkii 2016 — kaas oo masuuliyiinta dalkaas ay ku eedaynayeen wadaadka fadhigiisu yahay Maraykanka ee Fethullah Gulen.

Dawladda Turkiga ayaa ku eedaynaysa dadka shaqada laga eryay in ay xiriir la leeyihiin kooxo argagixiso ah.

Kala bar dadkaas waa saraakiil booiis ah, saddex meelood meelna waa xubno katirsan ciidamada qalabka sida.

In ka badan 125 kun oo qof ayaa shaqada laga eryay tan iyo iskudaygii afgambiga, kaas oo sabab u noqday in dalkaas lagu soo rogo xaalad degdeg ah.

Dadka dhaliilsanaa Siyaasadda madaxweyne Erdogan ayaa sheegaya in awoodaha loo adeegsaday in si ballaaran loogu wiiqo mucaaradka.

Kordhinta awoodda madaxweynaha

Bishii July ee sannadkii 2018-kii, wuxuu Erdogan ku guuleystay xilka madaxweynaha oo uu hayn doono muddo shan sano ah, wuxuuna helay codka aqlabiyadda oo uu ku guuleystay wareeggii koobaad ee doorashada.

Taasi waxay u sahashay inuu kordhiyo awooddiisa madaxweynenimo ka dib markii uu ku guuleystay aftidii muranka badan dhalisay ee lagu beddelayay dastuurka waddankaas.

Codeyntaas oo aad u adkeyd waxay dadka taageersanaa mowqifka Erdogan ahaayeen 51%.

Awoodaha uu leeyahay hadda waxaa ka mid ah:

Kordhinta awoodda madaxweynaha waxaa la socotay in isku shaandheyn badan lagu sameeyay maamulka hay’adaha dowladda.

Arrintaasi waxay timid ka dib markii afgambi dhicisoobay uu Turkiga ka dhacay, sannadkii 2016-kii, kaas oo lagu sigay in xilka laga tuuro Erdogan.

Dad badan ayaa shaqada dowladda laga eryaya, kuwo kalena xabsiga ayaa loo taxaabay.

Waa kuma madaxweyne Erdogan?

Recep Tayyip Erdogan, oo dhashay bishii February ee sannadkii 1954-kii, waa wiilka nin ka mid ahaa ilaalada xeebaha dalkaas, oo ka howlgali jiray xeebta uu Turkiga ku leeyahay Badda Madow.

Markii ay da’diisa gaartay 13 sano, aabihiis wuxuu go’aansaday inuu u guuro magaalada Istanbul, isagoo markaas rajeynayay in shantiisa carruurta ah ay yeeshaan mustaqbal fiican.

Intii uu dhalinyarada ahaa Erdogan wuxuu iibin jiray liin bambeelmo iyo rooti si uu lacag dheeraad ah u helo.

Isbuul islaami ah ayuu wax ku bartay ka hor inta uusan cilmiga maamulka uga qalin jabinin jaamacadda Marmara ee magaalada Istanbul. Wuxuu sidoo kale ciyaari jiray kubadda cagta ee mushaarka lagu qaato.

Intii u dhaxeysay 1970-meeyadii ilaa 1980-meeyadii – Wuxuu ku jiray ururrada Islaamiga ah, wuxuuna xubin ka ahaa xisbiga Necmettin Erbakan

1994-kii ilaa 1998-kii – Wuxuu ahaa Duqa magaalada Istanbul, ilaa markii ay milatariga awoodda xoog ku qabsadeen islamarkaana la mamnuucay xisbigiisa.

Sanadkii 1999 – wuxuu xabsi ku jiray muddo afar bilood ah kaddib markii uu meel fagaaro ah ka aqriyay gabay qarannimo doon ah oo beydadka ku jira uu ka mid ahaa: “Masaajidyada waa xeryaheenna milatari”

Bishii August ee sanadkii 2001 – Wuxuu aasaasay xisbiga AKP isagoo garab ka helaya Abdullah Gul oo markaas ay isbahaysanayeen

2002 ilaa 2003 – AKP wuxuu ku guuleystay aqlabiyadda doorashada baarlamaanka, Erdogan ayaana loo magacaabay Ra’iisul Wasaare

Bishii June 2013 – Wuxuu ciidamada amniga u adeegsaday mudaharaadeyaal isku dayayay inay beerta cagaaran ee Gezi Park ka hor istaagaan mashruuc dhisme ah oo ay dowladda ka sameyneysay

Bishii December 2013 – Fadeexad weyn oo musuqmaasuq ah ayaa kusoo baxday dowladdiisa – saddex wiil oo ay dhaleen wasiirro ayaa la xiray, Erdogan wuxuu arrintaas ku eedeeyay Gulen kooxdiisa

Bishii August 2014 – Wuxuu noqday madaxweyne kaddib markii ay Turkiga ka dhacday doorashadii ugu horreysay abid ee toos loogu dooranayo madaxweyne

Bishii July 2016 – Wuxuu ka badbaaday afgambi milatari oo looga sameeyay ciidanka dhexdooda

Bishii April 2017 – Wuxuu guul ka gaaray aftadi qaran oo uu ku kordhisanayay awoodaha madaxweynaha

Guulaha siyaasadda ee Erdogan

Bilihii lasoo dhaafay madaxweyne Erdogan wuxuu xoogga saaray inuu sare u qaado cududda milatari ee uu Turkiga ku leeyahay dibadda.

Arrintaas waxay ka careysiisay waddamo badan, oo ay ku jiraan kuwa Yurub iyo xulafada ay ka wada tirsan yihiin isbahaysiga Nato.

Milatariga waxay ku lug leeyihiin dagaallada ka socda Liibiya iyo Suuriya. Si dadbanna waxay ugu lug leeyihiin dagaalka gobolka Nagorno-Karabakh ee ay isku hayaan dalalka Armenia iyo Azerbaijan.

Ciidamo ka tirsan kuwa Turkiga ayaa dhoollatus milatari la sameeyay kuwa waddanka Azerbaijan dhowr isbuuc uun ka hor inta uusan qarxin dagaalka culus ee u dhaxeeyay Armenia iyo Azerbaijan.

Dhulka lagu dirirayo waxaa caalami ahaan loogu aqoonsan yahay inuu ka tirsan yahay Azerbaijan.

Qowmiyadda la yiraahdo Turkic Azerbaijanis ayey dhaqan ahaan isu dhow yihiin Turkiga, gobolka lagu dagaallamao ee saliidda hodanka ku ahna wuxuu dhuumo saliidda dhoofiya sii marsiiyaa gudaha Turkiga.

Laakiin Ruushka ayaa isaguna muddo qarniyo ah gobolkaas ka dhigayay mid uu saameyn weyn ku leeyahay.

Marka la eego arrimaha ka taagan gobolka ay labada waddan isku heystaan oo la si guud loogu yaqaanno Caucasus, Liibiya iyo Suuriya, ujeeddooyinka uu Mr Erdogan leeyahay waxay ka hor imaanayaan danaha madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.

Kheyraadka gaaska ah ee ku keydsan Bariga badda Mediterranean-ka wuxuu qeyb ka yahay ujeedooyinka Mr Erdogan.

Hase yeeshee danahaas waxaa kasoo horjeeda dowladaha Qubrus iyo Giriiggac – oo labaduba xubno ka ah Midowga Yurub – taasina waxay sababtay inay digniino culus uga imaadaan dhinaca Yurub.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post