834 Views

Mareykanka oo Xuutiyiinta ka Saaraya Liiska Argagixisada

Mareykanka oo Xuutiyiinta ka Saaraya Liiska Argagixisada
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | February 06, 2021Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay qorsheyneyso sidii ay liiska argagixisada uga saari laheyd Dhaq-dhaqaaqa Xuutiyiinta Yemen oo liiskaasi uu ku daray madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump, maalmo yar ka hor inta uusan xafiiska ka tagin bishii hore.

Go’aankaasi ayaa waxaa Jimcihii shalay ku dhawaaqay Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka, waxayna ku soo aadeysaa maalin ka dib markii uu madaxweyne Joe Biden shaaciyay in Mareykanka uu soo gabagabeeyay taageerada uu siin jiray Isbaheysiga Carbeed ee uu Sacuudiga hogaamiyo ee dagaalka ka wada dalka Yemen.

War ka soo baxay Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa lagu sheegay in sababta liiska argagixisada looga tirayo Xuutiyiinta ay tahay sababo dhanka bani’aadannimada ah.

Qaramada Midoobay iyo Hey’adaha Gargaarka ee caalamiga ah ayaa bishii hore ka digay in go’aankii Trump uu Xuutiyiinta ugu daray Liiska Argagixisada Caalamiga ah ay sii murjineyso xaaladda bani’aadannimo ee hadda ka taagan Yemen.

Qaramada Midoobay ayaa ku tilmaantay xaaladda bani’aadannimo ee ka taagan Yemen masiibo bani’aadannimo tan ugu xun xilligaan. 80% dadka reer Yemen ayaa u baahan gargaar deg deg ah.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post