408 Views

Gabar iyadoo dabbaalaneysa toos u soo gashay Facebook misana dhimatay

Gabar iyadoo dabbaalaneysa toos u soo gashay Facebook misana dhimatay
____________________________________________________________________________

Axad: AUGUST 21, 2022

Haweeneey lagu magacaabo Hellen Wendy, oo u dhalatay dalka Kenya kana ahayd kalkaaliso caafimaad Canada ayaa iyada oo Facebook si toos ah ugu tabinayso muuqaal nafteeda weysay.

Hellen oo magaalada Toronto ku sugnayd ayaa ku dabaalaneysay barkad iyada oo Facebook si toos ugu baahinaysay lana hadlaysay dadkii ku xirnaa barteeda.

Muuqaalka Facebook oo socday muddo saddex saacadood ayaa daqiiqadda 11 tobanaad waxaa la arkayay Hellen oo ay biyaha qarqiyeen.

Waxaa muuqaalka laga maqli karay qeyla dhaanteeda balse cid badbaadisa ma aysan joogin aagga barkadda.

Muddo ka dib ayaa shaqsi kale oo barkadda dabbaal u tagay waxa uu arkay maydka Hellen.

Dhacdadaan naxdinta leh ayaa hadal hayn badan ka dhalisay baraha bulshada iyada oo aad loo faafiyay muuqaalka saddexda saacadood qaatay ee ay Hellen sida tooska ah Facebook ugu faafisay ka hor geerideeda.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post