1044 Views

Taliyaha Ciidamada Dhulka “ Saadaq Joon waxa uu ka mid yahay saraakiisha ka Howlgalaysa Galmudug.

Taliyaha Ciidamada Dhulka “  Saadaq Joon waxa uu ka mid yahay saraakiisha ka Howlgalaysa Galmudug.
____________________________________________________________________________

Arbaco: July 21  2021


Taliyaha Ciidamada Dhulka ee Soomaaliya Jenaraal Maxamad Tahliil Biixi oo hogaaminaya duullaanka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobolka Mudug ayaa qiray in ciidamada uu hoggaaminayo uu ku jiro taliyihii hore ee booliska gobolka Banaadir Janaraal Saadaq Joon.

Jenaraal Biixi ayaa mar wax laga waydiiyay sawirro baraha bulshada maalmihii la soo dhaafay lagu baahinayay oo ku saabsanaa Saadaq Joon,ayaa waxaa uu sheegay inuusan ciidamada dowladda federaalka ka tirsaneyn hase yeeshee uu hadda ka mid yahay saraakiisha dagaalka ku jira ee uu hoggaaminayo.

Hadalka taliyaha Ciidamada Dhulka ee Soomaaliya Jenaraal Maxamad Tahliil Biixi ayaa dhab ka dhigaya wararkii maalmahaan lagu baahinayay baraha bulshada ee ahaa in Jenaraal Saadaq Joon uu qayb ka yahay dagaalka ka socda qaybo ka mid ah gobalka Mudug ee u dhaxeeya ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa maamulka Galmudug oo dhinac ah iyo Al-shaab.

Taliyihii hore ee booliska gobolka Banaadir Jenaraal Saadaq Joon ayaa horey dowladda federaalku u sheegtay in ay darajooyinkii ka xayuubisay isla markaana waxaa ay ka qaadday xilkii taliyanimo ee gobalka Banaadir.

Office  Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post