681 Views

Xiisadda Ukraine: Mareykanka oo labo arrin kala dooransiiyay Ruushka

Xiisadda Ukraine: Mareykanka oo labo arrin kala dooransiiyay Ruushka
____________________________________________________________________________


khamiis: January 13, 2022

Ku xigeenka Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Wendy Sherman ayaa uga digtay Ruushka inuu kala doorto diblomaasiyad amaba iska hor imaad dhex mara Galbeedka.

Hadalkan ayay sheegtay kaddib wada hadallo dhex maray Nato iyo Ruushka, waana mid ka mid ah saddex kulan diblomaasiyadeed oo toddobaadkan dhacay loogana gol lahaa yareynta xiisadda Ukraine.

Ku xigeen Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka Alexander Grushko ayaa isna sheegay in Nato ay awoodi weysay oggolaanshaha dalabaadka Moscow.

Liiska dalabaadka waxaa ka mid ah in Ukraine aysan weligeed ku biiri karin Nato.

Ilaa 100,000 oo ciidamo Ruushka ka socda ayaa la sheegay inay ku sugan yihiin meel u dhow xadka Ukraine, taas oo keentay cabsi laga qabo inay xoog ku galaan dalkaas.

Sherman ayaa mar kale ku celisay in Mareykanka iyo dalalka kale ee xubnaha ka ah Nato aysan marnaba oggolaan doonin in codka diidmada qayaxan loo adeegsado Ukraine, iyadoo sheegtay in isbahaysiga militari uu ku dhaqmo siyaasadda albaabka furan. Hadafka ah inay Nato ku biirto wuxuu qeyb ka yahay dastuurka Ukraine.

Balse waxay sheegtay inay jiraan meelo kale oo la isaga soo dhowaan karo, isla markaana Ruushka uu ku qasban yahay inuu go’aansado waxa xiga ee dhici doona.

Waxay sheegtay in Mareykanka iyo Nato ay isu diyaarinayaan wax walba oo suurto gal ah.

line

Awoodda diblomaasiyadda-falanqeyn

Wendy Sherman ayaa ku dhawaaqday in kulanku uu ahaa “Muujinta awoodda diblomaasiyadda”.

Waxaa jirtay “midnimo buuxda” oo ay xubnaha Nato u muujiyeen waxyaabaha uu doodda ka qabo Ruushka.

Waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa caddeysay sida uu Mareykanku dadaalka ugu bixinayo in hal dhinac laga istaago arrinta Ukraine.

Sherman ayaa kulankaasi oo Isniintii dhacay la tagtay khibradihii ay hore u heysatay. Si fiican ayay u taqaannaa dhiggeeda Sergei Ryabkov, oo ay hore iskala soo shaqeeyeen arrimaha xakameynta hubka ee Suuriya iyo Iiraan.

Inkatsoo aan wax heshiis ah lagu gaarin shirka oo socday siddeed saacadood, haddana Mr Ryabkov ayaa garwaaqsaday in Mareykanku uu si fiican u daraaseeyay arrimaha uu Ruushku soo jeediyay.

Midnimada Mareykanka iyo Yurub ayaa caqabad ay la soo dersi doontaa haddii xukuumadda Moscow ay diiddo dalabka wada hadallo dhanka ammaanka ah oo ay toddobaadkan la gasho Nato. Balse khubarrada qaar oo ku sugan Washington ayaa qaba in diblomaasiyadda Mareykanka ee arrintan ay ahayd mid miro dhal ah.

line

Ruushka ayaa soo bandhigay dalabaadyo dhowr ah oo uu uga dan leeyahay inuu ka hortago in Nato ay ku ballaarato bariga sidoo kalena lagu yareynayo joogitaanka isbahaysiga ee meelaha u dhow xudduudaha Ruushka.

Nato ayaa si qayaxan u diidday dalabaadyadaas balse waxay sheegtay inay rajeyneyso inay ka wada hadlaan arrimaha kale ee xakameynta hubka iyo xaddidaadda howlaha militari.

Nato, ama Ururka Cahdiga Waqooyiga Atlaantikada, waa isbahaysi difaac oo ay xubno ka yihiin 30 dal, waxaana markii ugu horreysay la aasaasay sanadkii 1949.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post