1008 Views

Dowladda oo faah faahisay waxa dib u dhigay doorashada Galmudug

Dowladda oo faah faahisay waxa dib u dhigay doorashada Galmudug
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL July 23, 2019 —4-tii Bishaan July 2019 ayaa qorsuhu ahaa sida ay horay u shaacisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya in la qabto doorashada hoggaanka Maamulka galmudug,haayeeshee ay dib u dhacday,waxaana Xukuumadda Soomaaliya ay faah faahin ka bixisay waxa sababay dib u dhaca doorashada.

 

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa sheegay in mudo bil ah ay dowladda Soomaaliya ku mashquulsan tahay xaliNTa khilaafyada ka dhex jira Bulshada Galmudug si loo dhiso Galmudug loo dhan yahay.

 

 

 

Waxa uu sheegay Wasiir sabriye, isaga oo la hadlayay Idaacadda BBC-da laanteeda Afka Soomaaliga in haatan ay meel wanaagsan marayaan qorshaha ay dowladda Federaalka ka wado deegaanada Galmudug,isla markaana uu rajeynayo inay guul kusoo dhamaadaan.

 

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali kheyre ayaa mudo bil ah waxaa uu ku sugan yahay deegaannada Galmudug,isaga oo halkaasi ka wada arrimo la xiriira dhisida Galmudug Cusub,hayeeshee Beelaha qaar ay dhaliilsan yihiin sida uu wax uga wado deegaannada Galmudug.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment