633 Views

maxkamad ku taala Dallka Faransiiska oo sii daysay Haweeney dishay ninkeeda

maxkamad ku taala Dallka Faransiiska oo sii daysay Haweeney dishay ninkeeda
____________________________________________________________________________

Sabti: June 26 2021

Valérie Bacot, oo tacaddiyadii ay nolosheeda kala kulmi jitay ninkeeda ay ka fajiciyeen dadweynaha Faransiiska, ayaa lagu helay inay dishay ninkeeda, balse maxkamadda ayaa sii deysay.

Waxaa markii hore lagu xukumay afar sano oo xabsi ah, balse sanad kaddib ayaa cafis loo fidiyay waana la sii daayay.

Bacot ayaa hore ugu suuxday gudaha maxkamadda kaddib markii ay dacwad oogayaashu soo jeediyeen in la xukumo.

Bishii March 2016 waxay qiratay inay ninkeeda ku dishay qorigiisa.

Bacot, oo 40 jir ah,ayaa ka sheekeysay tacaddiyad uu ninkeeda Daniel Polette kula kici jiray laga soo bilaabo markii ay jirtay 12 sano, isagoo xilligaas ahaa adeerkeed hooyadeed qabay, oo makrii dambena ninkeeda noqday.

Muddo sanado ah ayuu Polette haweeneydan ku qasbayay inay la tumato rag kale, balse waxa xaaladdu sii xumaatay markii uu ku fekeray inuu tacaddiyo u geysto gabadhooda.

Polette, oo 25 sano ka weynaa Bacot, ayaa labo sano iyo bar ku jiray xabsiga sababo la xiriira inuu tacaddiyo u geystay sanadihii 1990-meeyadii, balse markii dambe wuu soo laabtay isaga oo uur u yeelay xilligaas oo ay 17 sano jirtay.

Buug ay dhowaan ka qortay nolosheeda ayay ku sheegtay inay in muddo ah cabsaneysay, isla markaana ay go’aan ku gaartay inay soo afjarto tacaddiyadaas. Waxay maxkamadda u sheegtay in ninkeeda uu s joogto ah ugu hanjabi jiray bistoolad.

In ka badan 700,000 oo qof ayaa saxiixday codsiga lagu sii deynayo.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post