1512 Views

Sawiro:-Madaxweyne Farmaajo oo kormeeray xarumo dowladeed oo dib u dhis uu ka socdo

Sawiro:-Madaxweyne Farmaajo oo kormeeray xarumo dowladeed oo dib u dhis uu ka socdo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 02, 2019 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kormeeray xarumaha danta guud ee lagu dhisayo Barnaamijka Is-xilqaan ayaa ku ammaanay muwaadiniinteenna sida ay u soo ajiibeen baaqiisa ku saabsanaa in laga wada qeyb qaato Ololaha Isxilqaan ee dalka dib loogu dhisayo.

 

Madaxweynaha ayaa dul istaagay shaqooyinka dib-u-dhiska iyo dayac-tirka ah ee lagu wado Tiyaaratka, Madaxafka iyo Maktabadda Qaranka, isagoona goobahaas kula kulmay muwaadiniinta sida mutadawacnimada ah uga qeyb qaadanaya Ololaha Isxilqaan.

 

Madaxweynaha ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay karti iyo awood u leeyihiin dib u soo celinta xarumihii danta guud iyo bilicdii uu ku tilmaamnaa dalku.

 

“Hawshan wanaagsan ee aad haysaan waa mid waxtar weyn u leh mustaqbalka carruurteenna. Dalkeenna innagaa gacmaheenna ku burburinnay, marka innagoo aan cid kale sugin waa in aan dib u dhisannaa oo qof kasta oo Soomaali ah uu awooddiisa geliyaa dib-u-dhiska iyo horumarka dalka.”

 

Dhankooda, hawl-wadeennada Barnaamijka Isxilqaan ayaa Madaxweynaha uga warbixiyey guulaha la taaban karo ee laga dhexlay wajiga koowaad ee barnaamijkan iyo qorsheyaasha lagu dhammeystirayo dib u dhiska goobaha danta guud.

 

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kula dardaarmay hormuudka Barnaamijka Isxilqaan in ay dardar geliyaan dhammeystirka dib u dhiska goobaha danta guud oo haatan ay gabogabo marayaan hawlaha dib u dhiska Tiyaatarka Qaranka, Madxafka iyo Maktabadda.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment