711 Views

Ciidamadii ka gadooday muddo kordhinta oo Gudi la kulma Rooble magacaabay.

Ciidamadii ka gadooday muddo kordhinta oo Gudi la kulma Rooble magacaabay.
____________________________________________________________________________

May 4-2021

Guddi saraakiila oo ay iska magacaabeen ciidamadii dhawaan soo galay Muqdisho ee saldhigyada ka dhigtay xaafado ka tirsan degmooyinka Cabdicasiis, Hodan iyo Hawl-Wadaag, ayaa shuruudo ku xiray inay dib ugu laabtaan saldhigyadii ay ka soo baxeen markoodii hore.

Guddigan oo ka kooban sedex Janaraal iyo afar korneyl ayaa dalbaday in madaxweyne Farmaajo wareejiyo amniga guud ee dalka maadaama bay yiraahdeen waqtigiisii dhamaaday, isla markaana uu ciidanka ka dhex abuuray qalalaase, waa sida ay hadalka u yiraahdeene.

Gaashaanle Diini Rooble Axmed oo afhayeen u ah guddiga saraakiisha ah oo waraysi siiyay BBC-da ayaa sheegay inay baaqi ku sii ahaan doonaan magaalada Muqdisho inta xal looga helayo waxyaabihii markii horeba keenay inay saldhigayo ka samaystaan xaafado ka tirsan magaalada.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post