843 Views

Booliska oo shaaciyey in la xirayo mid kamid ah Xarumaha Dowladda

Booliska oo shaaciyey in la xirayo mid kamid ah Xarumaha Dowladda
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Arbaco  , March 18, 2020 —Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ku dhawaaqey in la xirayo Waaxda Faraha ee Xarunta Waaxda Hay’adda dambi baarista ee CID-DA sababo la xiriira Cudurka Coronavirus.

 

Taliye kuxigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye guuto Zakiya Xuseen Axmed ayaa sheegtay in iyada oo la raacayo awaamiirta Madaxda Dowladda Federaalka ee ku aadan ka taxadirka Caabuqa corona Beri laga bilaabo la xiray Waaxda Faraha ee CID.

 

 

 

“Iyadoo la raacaya awaamiirta guud DFS oo ku aadan taxadirka faafinta cudurka coronavirus, waxaa shacabka Somaliyeed ku wargelineynaa in laga bilaabo BERI taariikhduna ku beegantahay 19/03/2020 aan xirnay Waaxda Faraha ee CID oo bixisa warqada dembi la’aanta muddo 15 cisho ah ayay tiri”Taliye Zakiya.

 

Dowladda Soomaaliya ayaa bilaawdey siyaabo looga hortegi karo Cudurka Coronavirus tan iyo markii qof qaba Cudurkaas oo ka yimid Shiinaha lagu qabtey Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment