828 Views

Al-shabaab oo Weerartay bar-koontarool Ciidamada Haramcad ay ku leeyihiin Ex kontarol Balcad

Al-shabaab oo  Weerartay bar-koontarool   Ciidamada Haramcad ay ku leeyihiin Ex kontarol  Balcad
____________________________________________________________________________

June 5 2021

 Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal xalay ka dhacay Muqdisho oo dhex maray ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab.

Dagaalkan ayaa yimid kadib markii Ciidamada  Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen bar-koontarool oo ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ay ku leeyihiin agagaarka isgoyska koontarool Balcad ee degmada Heliwaa, kuwaas oo ilaalo ka haya dhismaha ka socda wadada dheer ee isku xirto magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar, waxaana ka dhashay qasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sidoo kale Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya oo ka hadlay dagaalkaasi xigay ayaa sheegay inay ka hortageen weerarka kaga yimid dhinaca kooxda Al-Shabaab, iyaga oo intaasu kusii daray inay khasaare xoogan gaarsiiyeen ragga dagaalka soo qaaday.

about:blank Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post