951 Views

Ciidamada Dowladda oo Al-Shabaab kala wareegay deegaano Cusub

Ciidamada Dowladda oo Al-Shabaab kala wareegay deegaano Cusub
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 03,, 2019  –Saacadihii la soo dhaafay Ciidamo ka tirsan Millateriga Soomaaliya ee ku sugan gobolka Gedo ayaa waxaa ay tuulooyin hoostaga degmada Baardheere ee Gobolkaas ka sameeyeen howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

 

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysa ayaa waxaa ay sheegeen inay howlgalkaas ay kula wareegeen deegaano ka tirsan Gobolka Gedo oo ay Gacanta ku hayeen Al-Shabaab.

 

Taliyaha Ururka 49aad ee Ciidamada xoogga dalka ee Gobolka Gedo Dhame Cali Maxamed ayaa sheegay in u jeedkoodu uu ahaa in Al-Shabaab laga saaro deegaano hoostaga degmada Baardheere,isla markaana weli uu socdo.

 

Waxa uu sheegay taliyaha inay Shabaab kala wareegeen tuulada Cali Xareed iyo tuulooyin kale iyo  Bar-koontorool oo ay Shabaab gaadiidka lacago uga qaadi jireen.

 

Taliyaha ma shaacin wax dagaal ah oo dhexmaray,iyaga iyo Al-Shabaab intii ay howlgalka ku jireen,hayeeshee uu sheegay in uu yahay mid ay ku doonayaan in guud ahaan deegaanada hoostaga Baardheere ay uga saaraan Al-Shabaab.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment