594 Views

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay danjire Fei Shengchao

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay danjire Fei Shengchao
____________________________________________________________________________

Khamiis: May 26, 2022

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kulan la qaatay safiirka dalka China Amb. Fei Shengchao.

Danjiraha oo dhambaal salaan ah soo gaarsiiyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Soomaaliya, kaas oo uga siday Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka dalka China  Li zhanshu.

Sidoo kale, safiirka ayaa xusay in dowladda China ay kordhin doonto deeqaha waxbarasho oo ay siiso  dalkeenna, isagoo ballan qaaday in Baarlamaanka Soomaaliya ay kala shaqeyn doonaan horumarinta adeegyadda muhiimka ah.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe ayaa boggaadiyey doorka horumarineed  ee dowladda China ay ka wado dalkeenna uu yahay mid lama ilaawaan ah, waxaana uu ku dhiira-geliyey in dedaalkaasi uu noqdo mid mira dhal ah oo mataaneeya labada dowladood.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post