618 Views

Koonfur Afrika oo shaacisay qorshe ay doonayso in lagu joojiyo bacriminta lagu tarminayo libaaxa si ay u suurto gasho in la ugaadhsado

Koonfur Afrika oo shaacisay qorshe ay doonayso in lagu joojiyo bacriminta lagu tarminayo libaaxa si ay u suurto gasho in la ugaadhsado
____________________________________________________________________________

May 3-2021

Koonfur Afrika ayaa shaacisay qorshe ay doonayso in lagu joojiyo bacriminta lagu tarminayo libaaxa si ay u suurto gasho in la ugaadhsado ama ay dalxiiseyaashu cagabaruurka u gurtaan.

Qorshahan ayaa soo baxay ka dib markii la faafiyey natiijada daraasad socotay laba sannadood oo lagu baadhayey qaabkan bacriminta libaaxa la doonayo in beero gaar ah lagu haysto.

Daraasadda waxa lagu ogaaday in qaabkani halis ku yahay dedaalka ilaalinta duurjoogta xawayaankanna gaar ahaan khatar ugu yahay.

Dawladda Koonfur Afrika ayaa aqbashay talo soo jeedinta khubaraadaas cilmi-baadhista waday, arintaas oo ay ka cadhoon karaan dadka ka shaqaystay ganacsigan bacriminta taranta libaaxa.

Daraasadda nuxurkeedu waxa ay ka warbixinaysaa libaaxa goobaha gaarka ah lagu haysto si tarantooda loo bacrimiyo. Waxay sheegaysaa in ay waajib tahay in arintaa la joojiyo oo libaaxyadana laga sii daayo goobahaa gaarka ah ee lagu hayo” ayay tidhi wasiirka deegaanka Barbara Creecy.

Laakiin waxay carrabka ku dhufatay in ugaadhsiga libaaxa door joogta ah la ogolaan doono maadaama oo arintaasi waaxda dalxiiska uu ka soo galo dakhli badani.

Khubarada daraasadda samaysay waxa loo xil saaray in ay dib u eegaan siyaasadda iyo xeerarka dalka ee maaraynta libaaxa, shabeelka, wiyisha iyo maroodiga.

Waxay khubaradu ku talo bixiyeen in inta aan la gubin geesaha wiyisha iyo fool maroodiga la soo qabtay dalku la tashado dalalka kale ee dalkaas ay olloga yihiin.

Waxa la rumaysan yahay in 8000 oo libaax iyo dheeraad ay ku jiraan goobo gaar loo leeyahay oo ku yaal Koonfur Afrika, halka ay duurka ku noolyihiin 3500 oo keli ahi.

Dadka difaacaya bacriminta taranta libaaxa lagu hayo goobaha gaarka loo leeyahay ayaa sheegaya in ay arintaas xal u tahay in aan libaaxu dabar go’in, laakiin kuwa arintaa ka soo horjeeda ayaa sheegay in xawayaankaa si arxan darro ah loogu hayo goobahaas.

Hay’adaa daryeelka duurjoogta aduuka ee World Animal Protection la yidhaa ayaa ku tilmaantay qorshan “guul u soo hoyatay duur joogta”.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post