714 Views

Guddoomiyaha Guddiga hirgelinta doorashooyinka oo kulan la qaata Guddiga amniga doorashooyinka

Guddoomiyaha Guddiga hirgelinta doorashooyinka oo  kulan la qaata Guddiga amniga doorashooyinka
____________________________________________________________________________

Axad: july 18, 2021

Guddoomiyaha Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer Federaal iyo Guddi hoosaadka amniga ee GHDHF ayaa kulan la qaata Guddiga amniga doorashooyinka dalka ee la filayo inay maalmaha soo socda bilowdan.

Kulanka Guddiyada ayaa inta uu socday waxaa diirada lagu saaray sugida amniga goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka Xildhibaanada labada ee Baarlamaanka Federaalka ee dhawaan si rasmi ah u bilaabanaya.

Guddiga amniga doorashooyinka ayaa Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer Federaal warbixin ka siiyey shaqooyinka u qabsoomay iyo diyaar garoowga ay wadaan laamaha amniga ee loogu tala-galay sugida amniga.

Guddoomiyaha Guddiga amniga ahna Taliyaha Ciidanka Booliska dowladda Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa sheegay in muhiim ay tahay in si wada jir ah looga wada shaqeeyo howlaha sugida amniga goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka dalka, isla markaana ay dardar-gelin doonaan shaqooyinkooda.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post