738 Views

Dowladda Gareece oo Turkiga dib ugu soo celisay tahriibayaal Soomaali ah

Dowladda Gareece oo Turkiga dib ugu soo celisay tahriibayaal Soomaali ah
____________________________________________________________________________


talaado: November 9, 2021

Ciidamada ilaalada Xeebaha ee dowladda Greece ayaa dib ugu soo celiyay dalka Turkiga muhaajiriin Soomaali ah kuwaas oo doonayay inay tahriib ku galaan qaar kamid ah wadamada Qaarada Yurub.

Muhaajriintaan oo saarnaa laba doonyood oo ah nooca bacda ka samaysan ayaa lagu soo celiyay Turkiga, iyaga oo uu ka muuqday rafaad badan maadaama saacado farabadan ay Badda kujireen, waxaana dowladda Turkiga ay dadkaasi dejisay Xerooyin Qaxooti si ay ugu nastaan.

Dowladda Greece ayaa gebi ahaanba diiday inay dalkeeda galaan Muhaajiriinta Soomaalida ah, iyada oo ay xusin mudan tahay in dhowr jeer dowladda Greece ay xir xirtay Soomaali dhowr ah oo tahriibayay.

Sanadihii la soo dhaafay ayaa waxaa sii xoogeysanayay qulqulka dhalinyarada Soomaalida ah ee tahriibaya, kuwaas oo intooda badan marayay Badda u dhaxeeysa dalalka Turkiga iyo Greece, kuwaas oo mararka qaar ay soo gaarto dhibaatooyin kala duwan.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post