1959 Views

Taliska Booliiska Soomaaliyeed oo soo bandhigay nin katirsanaa Daacish

____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | April 24, 2018 –  Afhayeenka Booliiska Soomaaliyeed Qaasim Axmed Rooble oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa soo bandhigay Dad isugu jiray la shaqeyn iyo kamid ahaanshiyaha Kooxda Daacish.

Ninka Warbaahinta la tusiyay oo lagu Magacaabo Jaamac Xuseen Xasan uu katirsanaa Al-Shabaab, balse hadda uu kamid yahay Kooxda Daacish.

Qaasim ayaa tilmaamay in Ciidamada Dambi baarista Booliiska Soomaaliyeed ay ku sameeyeen Baaritaano dheeraad ah, waxa uuna tibaaxay in kolkii lasoo qabanayay ay ka shakiyeen Ciidanka ku sugan Deegaanka Carbiska, Kolkaasina uu howlahaa in uu Miino Aaso.

Sidoo kale waxaa lala soo qabtay Kaamirad uu wax ku duubayay Kolka ay wax dilaan ama ay Qarxiyaan sida Shaqsi iyo Afhayeenka Booliiska labaduba ay Warbaahinta u sheegeen.

Meelo kala duwan oo ka kala tirsan Gobolka Banaadir, Maamulka Puntland iyo Koofur Galbeed ayay Booliisku sheegeen in uu ka geystay Dilal dad kala duwan loogu geystay.

Dhanka Kale waxaa Goobta ku sugnaa Labo Haween ah oo lagu soo qabtay Guri ku yaalla Deegaanka Carbiska intii uu socday Howlgalka Ciidamada Dowladda.

Mid kamid ah waxa ay aheyd Xaaska ninka lasoo bandhigay, waxaana Abti u ahaa qof Magaciisa ay Hay’adaha Amniga ku sheegeen Amiir Cumar oo ka baxsaday Howlgalkooda, iyagoona sheegay in ay dabagal ay ku hayaan sida uu hadalka u dhigeen.

Taliska Booliiska ayaa sheegay in ay kordhiyeen Howlgalada ay ku baadi-goobayaan Xubnaha katirsan Al-Shabaab iyo Daacish, wali kama hadlay Dhinacyadaan lala xiriiriyay in uu katirsanaa Ninka Maanta lasoo bandhigay.

.

W/Q:- Bashiir Barre Ali

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment