936 Views

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ku wajahan dalka Masar

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ku wajahan dalka Masar
____________________________________________________________________________

RMoqdisho,August 15, 2021 —a’iisul Wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa la sheegay in uu ku wajahan yahay Magaalada Qaahira oo ah Caasimadda wadanka Masar.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Ra’iisul Wasaare Rooble uu martiqaad rasmi ah ka helay madaxda dalkaasi, isla markaana uu la kulmi doono Madaxweynaha dalka Masar Abdelfatah Al-Sisi.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa tan iyo markii lagu wareejiyay mas’uuliyadda amni iyo doorasho ee dalka ayaa waxaa uu bilaabay soo celinta xiriirkii Soomaliya ay la leheyd dalalka qaar oo xumaada.

Todobaadkii hore Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa uu biooqasho maalmo qaadatay ku tegay dalka Kenya, isaga oo la kulmay Madaxweynaha dalkaas Uhuru kenyata, isaga oo kala hadlay sidii loo soo celin lahaa heshiiskii xumaaday ee labada dowladood.

Xafiiska Qaranimo Online | Muqdish

____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post