243 Views

War deg deg ah: Lionel Mess oo caawa ka qaaday koobka aduunka Xulka qaranka France iyo cayaaryahan Kylian Mbappé oo laga raayay

War deg deg ah: Lionel Mess oo caawa ka qaaday koobka aduunka Xulka qaranka France  iyo cayaaryahan Kylian Mbappé oo laga raayay
____________________________________________________________________________

Axad:December 18, 2022

Waxaa goor dhawayd Dalka qadar lagu soo gaba gabeeyay cayaarihii aduunka ee socday mudo bil ah, waxaana ugu danbayn ay Cayaartii ugu danbaysay dhex martay Xulka qaranka France iyo xulka Argentina.

Cayaartan oo ahayd finalka koobka aduunka ee ka dhacaya dalka Qatar ayaa waxaa koobkii la hoyday.

Cayaartan ayaa caawa waxay ahayd mid mucjiso ah, kadib marii Xulka qaranka France lagaga hor maray 2 gool, waxayna dadaal dheer kadib ku dhawaad 75 Daqiiqo kadib keeneen 2 gool oo Deg deg deg ah.

Sidoo kale cayaartan ayaa ahayd mid aad u adag, waxaana la isla aaday  markii ay dhamaatay cayaarta Waqti dheeraad ah, waxaana lagu daray 15 daqiiqo oo dheeri ah.

Cayaarta ayaa ku dhamaatay 3-3 oo ay koobka ku qaadeen Rigoorayaal xulka Argentina oo uu Hogaaminayo waayeelka Lionel Messi

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post