1026 Views

Khasaaro ka dhashay dagaal ka dhacay Gobolka Hiiraan

Khasaaro ka dhashay dagaal ka dhacay Gobolka Hiiraan
____________________________________________________________________________

Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah ayaa ka dhashay dagaal degaan ku yaal duleedka degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan ku dhex-maray laba maleeshiyo Beeleed.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii maleeshiyaad hubeysan ay weerareen maleeshiyaad kale oo ku sugnaa degaanka Dhisaqa ee Duleedka Matabaan, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal geystay khasaaro kala duwan.

Wararka la helay ayaa sheegaya in dagaalka uu ku geeriyooday hal Ruux halka laba kale ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo isugu jira labada dhinac ee dagaalamay.

Dad ku sugan degaanka lagu dagaalamay ee Dhisaqa ee Duleedka Matabaan ayaa sheegay in maleeshiyaadkii weerarka soo qaaday ay dib u laabteen, isla markaana haatan xaalada si si caadi ah kusoo noqotay, balse markasta dagaal la filan karo.

Degaanka lagu dagaalamay iyo degaannada kale ee hoostaga degmada matabaan ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa dhwr jeer ka dhacay dagaal u dhaxeeyay laba maleeshiyo beeleed, iyada oo ay kala dhex galeen Ciidamada dowladda Soomaaliya.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post