723 Views

Rabshado hor leh oo ka dhacay Qudus oo u dhexeeyo booliska Israa’iil iyo Falastiiniyiinta

Rabshado hor leh oo  ka dhacay  Qudus oo u  dhexeeyo booliska Israa’iil iyo Falastiiniyiinta
____________________________________________________________________________

May 9, 2021

Rabshado hor leh ayaa maanta ka dhacay magaalada Qudus kaas oo u dhexeeyo booliska Israa’iil iyo shacab Falastiiniyiin ah.

Rabshadahan u dambeeyay waxaa ku dhaawacmay tiro dad ah.

Dibadbaxyaasha ayaa dhagxaan ku gooyay afaafka hore ee saldhig boolis ah oo ku yaalla Qudus halkaas oo booliiska Israel ay ku ridayeen rasaas cinjr ah ah iyo bam gacmeedyo

Saraakiisha caafimaadka Falastiin waxay sheegeen in ugu yaraan 90 qof oo Falastiiniyiin ah ay ku dhawaacmeen rabshadaha halka booliska Israa’iil ay sheegeen in sarkaal uu kaga dhawaacmay qalaalasahan u dambeeyay ee ka dhacay Qudus.

In ka badan 200 Falastiiniyiin ah iyo 17 sarkaal oo booliska Israa’iil ah ayaa lagu dhaawacay isku dhacyo shaley ka dhacay magaalada Qudus, sida ay sheegeen dhakhaatiirta Falastiiniyiinta iyo booliska Israa’iil.

Waxaa sii kordhaya khalalaasaha oo markii hore ka dhashay qoysas Falastiiniyiin ah oo laga saaray xaafad ay deganayeen oo daris la ah misaajidka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post