939 Views

Mas’uul ka tirsanaa Maamulka Koonfur Galbeed oo la dilay

Mas’uul ka tirsanaa Maamulka Koonfur Galbeed oo la dilay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 19, 2019–Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan dil xalay degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose loogu geystay isku-duwihii wasaaradda maaliyadda Koonfur Galbeed Soomaaliya ee degmada Afgooye.

 

Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda ayaa la sheegay in uu ka dambeeyey dilka geystay isku-duwihii wasaaradda maaliyadda Koonfur Galbeed ee Afgooye oo lagu Magacaabi jiray Nuur Faarax Nuur oo caan ku ah magaca Nuur Xawaad.

 

 

 

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in sababaha dilka ay ka dambeysay,kadib markii uu soo kala dhex-galay khilaaf la xiriira Canshuurta laga qaado Koontoroolka Baar Ismaaciil,sida ay Risaala u sheegay mas’uul dhinaca Amniga ah.

 

Wararka qaar ee la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in askarigii dilka u geystay isku-duwihii wasaaradda maaliyadda Koonfur Galbeed ee Afgooye gacanta lagu dhigey xilli uu isku dayayay in uu Goobta ka baxsado.

 

Waa dilkii labaad oo xalay ka dhacay degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose,waxana xalay lagu dilay Nin lagu Magacaabi jiray Cali Maxamed Dhuun kaas oo la sheegay in uu kamid ahaa Ergadii soo dooratay Xildhibaannada Koonfur Galbeed.

 

Wararkii ugu dambeeyey ee saakay Afgooye aan ka heleyno ayaa waxaa ay sheegayayaan in Ciidamada Booliska degmada ay wadaan howlgallo baaritaano ah oo ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyey dilkaas.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment