477 Views

Biyo la’aan daran oo ka jirta gobolka Qorraxeydowladda deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobbiya

Biyo la’aan daran oo ka jirta  gobolka Qorraxeydowladda deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobbiya
____________________________________________________________________________


Isniin: January 3, 2022

Wararka ka imaanaya deegaanno ka tirsan gobalka Qorraxeey ee dowladda deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobbiya ayaa sheegaya in halkaa ay ka jirto abaar daran oo sababatay biyo la’aan ka taagan deegaannadaas.

Sida ay saxaafada  u sheegeen qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa ku qeexay in xaalku gaadhsiisan yahay heer ay dadku la’yihiin wax lagu maydho maydadka, waxaana ay rajo xumo ka muujinayaan nolasha dadka haddii xaaladdu sidaan sii ahaato.

Sidoo kale dowladda deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobbiya m ayaa ahaa deegaanada ugu wanaagsan ee biyaha laga helo, waxayna haatan xaalku marayaa meeshii ugu xumeed.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post