348 Views

Ciidamo katirsan DANAB oo nin dhallinyaro ahaa ku dilay Magaalada Gaalkacyo

Ciidamo katirsan DANAB oo nin dhallinyaro ahaa ku dilay Magaalada Gaalkacyo
____________________________________________________________________________

Talaado: SEPTEMBER 13, 2022

Ciidanka Kumaandooska Xoogga Dalka ee DANAB ayaa xalay nin dhallinyaro ahaa ku dilay Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Mascuud Cabdulqaadir Dhoore ayaa la sheegay inay haleeshay rasaas ay furayn Ciidanka Danab, xilli ay marayeen qeybta Koonfurta ee Magaalada Gaalkacyo.

Marxuumka ayaa xilligii la dilayay waxa uu ka soo laabtay Magaalada Boosaaso, oo uu ka soo kaxeystay gaari uu kala soo degay Dekedda Boosaaso, isla-markaana uu ku sii jeeday Magaalada Guriceel, oo uu markii horeba ka yimid.

Masuuliyiinta Gobolka Mudug ee Galmudug ayaan weli ka hadlin dilka ninka dhallinyarada ahi loogu gaystay Magaalada Gaalkacyo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post